Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka gooni isu taaga ah ee lagu magacaabo Somaliland ayaa shacabkiisa uga digay in ay u soo safraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
War ay soo saartay Somaliland ayaa waxa ay ku sheegtay in ay sii kordhayaan qataraha amni daro ee ka jira Koonfurta Soomaaliya iyo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda degaanada Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo saxaafada la hadlay ayaa Ganacsatada Somaliland iyo shacbka uga digay in ay u soo safraan Muqdisho, maadaama uu sheegay in ay amni daro ka jirto.
Wuxuu sheegay dad ka soo jeeda Somaliland in lagu dilay magaalada Muqdisho, sidaasi awgeedna ay xukuumada uga digeyso shacabka Somaliland in ay u safraan Muqdisho.
Dhinaca kale Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay si wanaagsan u dhacday qaadashada kaararka aqoonsiga ah ee loogu tala galay Doorashada Somaliland.


