DHAGEYSO: Somaliland oo Faahfaahisay Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

Maamulka Somaliland ayaa Faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Heshiiska ku aadan Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhisanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arimaha dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiis gaaraya muddo 25 sano ah in ay la galeen Dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka hadda ka  ay si toos uga howlgali doonto Saldhiga Ciidan ee Berbera.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Imaaraadka carabta ay Somaliland ka taageero doono dhinacyo badan , islamarkaana ay ka qeyb qaadan doono dhismaha Wadooyinka Somaliland.