DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM– Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Xaawo-taako iyo Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Gaari.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la dhigay meel aan sidaa uga fogeyn Maqaaxiga Banooda oo ku taalla,  inta u dhaxeysa Xaawo-taako iyo Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta uu Qaraxa ka dhacay gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaano ku aadan sida uu Qaraxan u dhacay.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ayxireen afarta jiho ee goobta u Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka kala eryeen shacabka goobta ku sugnaa.