DHAGEYSO: Somaliland oo digniin u dirtay Odayaal dhaqameedyo

Hargeysa-RisaalaFM- Xukuumadda Soomaaliland ayaa waxa ay digniin u dirtay Odayaal dhaqameedyo ay sheegtay in ay caadeysteen, kahor imaanshaha Barnaamijyada hormarineed ee ay Xukuumadda ka wado Gobolada Soomaaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland Jaamac C/laahi Biim ayaa waxa uu digniin adag u diray Odayaal dhaqameedyo uu sheegay in ay iska horkeenayaan shacabka.

Sidoo kale Jaamac C/laahi Biim Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliland ayaa sheegay dadka inaan la caburineyn, balse loo baahan yahay qofkii tabasho qaba in uu maamulka u soo gudbiyo.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa si weyn isku soo tarayay dhawaaqyo kala duwan oo ka imaanayay qeybo ka mid ah salaadiinta iyo cuqaasha Soomaaliland, kuwaasi oo lidi ku ah mashaariic kala duwan oo xukuumada Soomaaliland ay wado.