Muqdisho-RisaalaFM- Ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa aad u cambaareeyay xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo shalay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ay ku xireen Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland.
Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah Xoghayaha Guud ee SOMA oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin qof bani’aadam ah oo xor ah dareenkiisa in uu cabiro loo xiro, laguna eedeynayo oo keliya in uu ka qeyb galay dibadbax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Waxa uu sheegay qofka fikirkiisa in uu markasta xor uu yahay, arrintanna waji gabax iyo ceeb ay ku tahay Maamulka Somaliland, oo dhinacna ka sheeganaya in ay yihiin Maamul Dimuqraadi ah.
Sidoo kale Xoghayaha Guud ee SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa sheegay Maamulka Somaliland mar walba in uu yahay Maamul caburiya saxaafadda xorta ah, kana soo horjeeda Qofka fikirkiisa.
Khaliifa ayaa sheegay in aan xal laga gaari karin Maamulka Somaliland in uu xiro Wariyeyaasha iyo dadka caanka ah, taasi ayuu ku sababeeyay in aan la xaqdhowrin xasaanadii ay lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, maadaama dhowaan dhowaan qoor qabad looga saaray goobtii lagu saxiixayay Heshiiskii Imaaraadka iyo Somaliland.
SOMA ayaa ugu dambeyn ku baaqday Maamulka Somaliland in ay ilaaliyaan Dastuurka iyaga u qoran oo damaanad qaadaya qofka hadalka xoryadiisa, islamarkaana ay iyaga sheegtaan in ay yihiin Maamul Dimuqraadi ah.


