DHAGEYSO: Siyaasiyiinta Somaliland oo ka hadlay Doorashada Aqalka Sare

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Soomaaliya in ay diyaar u yihiin in ay muujiyaan tanaasul in ay uga qeyb noqdaan dowladda Cusub ee laga dhisaayo Soomaaliya.

Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya , islamarkaana kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay in siyaasiyiinta Somaliland aysan ku qanacsaneyn in gobolada Somalilnad laga siiyo xubnaha Aqalka Sare 11 xubnood , lakiin si loo badbaadiyo midnimada Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay tanaasulaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay go’aan ka sugaayaan hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran , islamarkaana ay taageeri doonaan go’aamada ay Soo saaraan.

Dhammaan maamulka goboleedyada dalka Jira ayaa soo dhameystiray xubnaha Aqalka Sare marka laga reebo maamulka Somalilnad iyo sidoo kale maamulka Cusub ee dhawaan laga dhisay Magaalada Jowhar.