Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray xeer uu ku go’aaminayo hannaanka doorashada dadban ee sannadka 2016.
Shir jaraa’iid oo uu ku qabtey xafiiska madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si looga fogaado khilaaf ka dhex dhasha Baarlamaanka Federaalka, dowladda dhexe iyo maamullada gobollada uu go’aansadey inuu soo saaro xeerkan, iyadoo loo daneynayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
Hadaba waxaana arimahaasi wax ka weydiinay Garaad Yuusuf Maxamuud oo ah nin siyaasada falanqeeya ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug, waxaana uu sheegay in ay tahay mid qaldan arinta uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya.


