Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe laga dareemaya diyaar garow ku aadan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Jowhar.
Shirka ayaa lagu wadaa inuu magaalada Jowhar ka Furmo 3 bishaan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah.
Qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galaya shirka lagu wado in uu ka furmo magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalkii shalay ay ku dhawaaqeen dowladda Soomaaliya iyo Uur goboleedka IGAD Kaa soo ahaa in maalinta Sabtiga ah uu furmaayo shirka maamulka loogu sameynaayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Magaalada Jowhar ayaa amniga si weyn loo adkeeyay , waxaana sidoo kale magaalada laga dareemayo qaban qaabada shirka labada gobol Maamulka loogu sameynaayo.
Wariye Bashiir Cali Daahir oo ka mid ah wariyeyaasha ku sugan magaalada Jowhar ayaa Risaala u sharaxay sida ay wax u socdaan iyo diyaar garowga laga dareemaayo magaalada Jowhar.


