DHAGEYSO: Shir looga hadlaayo Barakacayaasha oo ka furmay Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shir looga hadlaayo Sidii Qorshe loogu sameyn lahaa Barakacayaasha iyo sidoo kale dadka Qaxootiga ah ee dalka lagu soo celinaayo.

Shirkaan oo socon doona Mudda dhan 2 Maalin ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa Shirkaan Furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid  ” Juxa”

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka Axmed Cabdikariin Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirkaasi, waxaana uu sheegay in diiradda lagu saari doona Shirkaan sidii shaqo abuur iyo Qorshe loogu sameyn lahaa Barakacayaasha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Qorsheyaal looga hadlayay dadka Qaxootiga ah ee laga soo celinaayo dalka Dibadiisa iyo sidoo kale dadka Barakacaasha ah .