Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa heshiis ku gaaray maamulka Jubbaland iyo waliba siyaasiyiin maamulkaasi macaaradsan.
Hadaba waxaa lagu wadaa Kismaayo shir lagu soo gaba gabeynayo heshiiskaas iyo sidoo kale laguna soo bandhigayo qodobada heshiiska lagu gaaray.
Xildhibaan Maxamuud Magan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii udambeeyay ku sugnaa Kismaayo isagoona ka shaqeynayay sidii ay isku fahmi lahaayeen siyaasiyiin mucaaradka ah ee ka soo horjeeda maamulka Jubbaland iyo madaxweynaha maamulkaas ayaa Idaacadda Risaala kaga waramay heshiiska lagu gaaray magaalada Kismaayo iyo midka lagu soo gaba gabeen rabo.


