Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda oo watay Gaari yar, kuwaasi oo saakay lagu weeraray Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Weerarka loo geystay Shaqaalaha ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda ayaa la sheegay in ay fuliyeen Dabley hubeysan oo saarnaa Gaari yar, waxaana ka dhashay khasaare.
Darawalkii waday Gaariga ayaa Geeriyooday, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Dheere, isaga oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, waxaana dhaawacmay Labao ruux oo la socotay.
Dableydii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana weerarkan uu si gaar ah uga dhacay Isgoyska Florensa ee Degmada Warta-nabadda.
Dilalka qorsheysan ayaa waxa ay ku soo badanayaan Magaalada Muqdisho, waxaana Hay’adaha ammaanka ay wadaan dadaalo looga hortagayo weeraradaasi.


