DHAGEYSO: Shaqaalaha Dowladda oo maanta la fasaxay

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in maanta la fasaxay shaqaalaha Hay’adaha Dowladda, maadaama ay dhaceyso xaflada lagu Caleemo Saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Xasan Shariif Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta la fasaxay shaqaalaha Dowladda, maadaama ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho.

Xasan Shariif Cusmaan Xoghayaha joogtada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka ayaa sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada, si looga hortago falalka la xiriira amni darada.

Ciidamada Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan ayaa aad u adkeeyay ammaanka, waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkayaa Gaadiidka Dagaalka iyo Ciidamo hubeysan, si looga hortago Arbushaad dhacda xilliga xaflada Caleemo Saarka.

Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.