DHAGEYSO: Shacabka Sool oo Digniin adag loo jeediyay

Sool-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa shacabka Gobolka Sool ugu baaqay in aysan guryaha ka kireyn cid aysan ogeyn Maamulka Gobolka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay talaabo sharci ah ka qaadayaan Cid walbo oo dooneysa iney qal qal geliso Amniga guud ee Gobolka Sool.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka gobolka Sool ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka isla markaana ay kala shaqeeyaan sugida amniga guud ee Gobolka.

Waxa uu sheegay in Kooxo hubeysan oo diidan amniga gobolka Sool ay ku sugan yihiin Magaalooyin ka tirsan gobolkaasi.

Maalmihii udambeeyay Maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu waday dadaalo lagu sugayo amniga, sidoo kalena looga hortagyo falalka qal qal gelinaya Amniga.