Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee magaaladaasi.
Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Dhalinyarada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, waxaana ka qeyb qaatay shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo.
Masuuliyiinta magaaalada ayaa ujeedka Banaanbaxan waxa ay ku sheegeen in lagu taageerayay Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameynayo Gaalkacyo.
Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inooga soo diray Wakiil wareedka Risaala ee magaaladaasi Maxamed Muxudiin Saxansaxo.


