Sh/Dhexe-RisaalaFM- Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weerar dhabagal ah waxa ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo marayay inta u dhaxeysa Degaanada War-ciise iyo Biyo-cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka Degaanka oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in Dagaalyahanada Al-shabaab ay gubeen Gaari nuuca Soomaalida ay u taqaano Qooqan, kaasi oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana Gaariga uu ku sii jeeday Degaanka Biyo-cadde.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegaan in Dagaal kooban uu dhexmaray Dagaalyahanada Shabaab iyo Ciidmada Dowladda Soomaaliya ee weerarka gaadmada ah lagu qaaday.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka War-ciise oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in mudo Daqiiqado ah ay Dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo ururka Al-shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in markii dambe ay goobta soo gaareen Ciidamo gurmad ah.
Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Jowhar inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.