Bakool-RisaalaFM- Shalay gelinkii dambe ayaa inta u dhaxeysa Degmooyinka Ceel-barde iyo Xudur waxaa lagu dilay 2 ruux, kuwaas oo mid ka mid ah uu ahaa Askari ka tirsan Koonfur Galbeed, halka midka kalena uu ahaa Qof shacab ah oo waday Gaari Qaad u siday Degmada Xudur.
Sida la sheegay Gaarigaasi ayaa waxaa wadada u galay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo rasaas ku furay Gaariga Qaadka siday, kadibna goobta isaga dhaqaaqay.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dilka kadib waxa ay gaareen goobta, iyagoo halkaasi ka qaaday dadkii la dilay iyo Gaariga la rasaaseeyay.
Dhinaca kale waxaa la sheegay meel 20-KM ujirta Degmada Xudur in lagu gubay Raashiin lagu soo siday 4 Gaari Dameer, kuwaasi oo loo waday dadka ay Abaarta ku saameysay Degaanada Bakool.
Ilaa iyo hada lama oga nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin raggii waday Gaari Dameerada, maadaama ay wadada u galeen Dagaalyahanada Shabaab.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli kama uusan hadlin dhacooyinkan ka dhacday Gobolka Bakool.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo Siid Cali Muuse Maxamed ayaan arrimahaasi ka wareysanay.


