Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro ku aadan sugidda amniga Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulkaasi, kadib markii shalay halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugidda ee ka wada tirsan Maamulka Galmudug.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Hub sharci daro ah inaan lagu dhex arki karin Magaalada Gudaheeda.
Waxa uu sheegay Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug cidii lagu arko iyada oo sidata Hub sharci daro ah in laga qaadayo Talaabo sharciga waafaqsan.
Magaalada Cadaado maalmahan waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa xildhibaano sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo Madaxweynaha arrintaasi uu si adag kaga soo horjeestay.


