DHAGEYSO: Senator Xuseen oo faahfaahiyay kulankii ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo

Kudhawaad 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay kulan Magaalada Muqdisho kula qaatay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa Risaala u sheegay in kulankii la qaatay Madaxweynaha aysan kasoo bixin wax Natiijo ah.

“Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo 50 kii xildhibaan ee cadaalad raadintii Marxuum Cabaas Siraaji, wuxuu ku soo dhamaadey NATIIJO XUMO”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday Olole Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku doonaayeen in Caddaaladda la marsiiyo Askarigii ka dambeeyay dilka Marxuum Cabaas Ziraaji.