DHAGEYSO: Sarkaal Shabaab ka tirsan oo La sheegay in Howlgal lagu dilay

Gedo-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Millatariga Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Millitariga ay qaadeen kuna qaadeen Degaanka Tuulo Barwaaqo oo 18-KM u jirta Degmada Garbahaarey in lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab.

Saraalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Qanaas ayaa ahaa Taliyihii ugu sareeyay ururka Al-shabaab ee Gobolka Gedo, sida saraakiisha ay sheegeen.

Sidoo kale saraakiisha waxa ay sheegeen Labo ruux oo Al-shabaab ka tirsan in lagu soo qabtay Holwgalka ka dhacay Degmada Garbahaarey Duleedkeeda, sida uu shaaraxyo sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay sarkaalka in ciidanku ay heleen macluubaad ku aadan xerada uu ku sugnaa C/laahi Qanaasi, sidaasi darteedna ay ku dhaqaaqeen.