Dhageyso:-Sarkaal ka tirsan Dowladda oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor

Sarkaalka lagu xanibay Garoonka diyaaradaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Axmed Cabdullaahi Aadan,waxaana uu ka tegay Magalada baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Baay.

Sarkaalkaas ayaa Risaala u sheegay in dhawaan loo Magacaabay Ciidamada Millateriga ee ku sugan degmada diinsoor iyo deegaanada hoostaga,isla markaana ay demada diinsoor u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gaashanle Sare  Axmed Cabdullaahi Aadan oo ah Sarkaalka ayaa  Risaala u sheegay in sababta loo xayiray ay tahay kadib khilaaf soo kala dhegalay,isaga iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay,isla markaana Ciidamada Itoobiya u diideen in uu gudaha u galo degmada diinsoor.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ku amreen in uu diyardii uu saarnaa dib ugu laabto,hayeeshee uu diiday,isla markaana uu weli ku sugan yahay degmada Diinsoor maanta oo isniin ahna uu ku wajahan yahay Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Saaadaha soo socda ayaa la filayaa in Gaashanle Sare Axmed Cabdullaahi Aadan uu gaaro Baydhabo si xal looga gaaro khilaafka uu sheegay in uu kala dhaxeeyo Guddoomiyaha degmada diinsoor taasoo keentay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas laga soo celiyo.