DHAGEYSO: R/wasaaraha “Talaabo ayaa laga qaadayaa Qofii Musuq maasuqa Gar gaarka”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay Xukuumadda uu hoggaamiyo ay la dagaalami doonto musuq-maasuqa cidii lagu helana tallaabo ka qaadi doonto.

Waxa uu sheegay in aysan Dowladda Federaalka u dulqaadan doonin dadka lunsada Gar gaarka loogu tala galay dadka dhibaateysan ee ku nool Duleedka Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Abaaraha ugu baaqay in ay soo gudbiyaan ragga falalkaasi ku kaca, si sharciga loo horgeeyo.

Dhanka kale Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka dibadaha jira in jeejabab-kooda ay furaan isla markaana aan loo kala harin ugar-gaaridda walaalahooda tabaaleysan.