DEG DEG: Nin lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isgoyska Dan-wadaagta ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa ay ku toogteen Nin ay ka shakiyeen.

Ninkan ay Toogteen Ciidamada ammaanka ayaa waday Gaari Caasi ah, Ciidamada ayaa ku amray in uu istaago, si loo baaro, waxa uu isku dayay in uu baxsado, sidaasi ayay Ciidamada ku toogteen.

Falkan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane gaar ahaan dhanka Iridka Madiina Gate, halkaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay in goobta ay soo gaareen Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo hada baaritaano ku wada Gaariga, oo looga shakisan yahay in ay saaran yihiin waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada ayaa xiray Afarta wado ee soo gasha goobta uu falka ka dhacay, waxaana Ciidamada ammaanka ay shacabka ku amrayaan in ay ka dhaqaaqaan goobta.