DHAGEYSO: R/wasaaraha oo la kulmay Guddiga Abaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Qaran, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Ganacsato, iyo Xubno ka socday ururada bulshada rayidka.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Waxa uu warbixin kaga dhageystay Gudiga gurmadka Abaaraha, Waxaana Guddiga ay ka warbixiyaeen halka ay marayaan howlaha Gurmadka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardar gelinta howlaha gurmadka loogu sameynayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolada Dalka.

Kulanka ka dib ayaa waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Abaaraha ayaa ka warbixiyay howlaha ay wadaan, waxa uuna qurbo joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howlaha socda.

Sidooo kale Waxaa warbaahinta la hadlay Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gurmadaan, waxa uuna sheegay in uu ka shaqeyn doono samata bixinta dadka dhibaateysan.