Sh/Dhexe-RisaalaFM- Degaanka Qorac-madoobe oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalkan aya yimid kadib markii Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo wado halkaasi marayay ay wadada u galeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal.
Qof ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay Dagaalkan in ay ku dhinteen Saddex Qof, sidoo kalena uu ku dhaawacmay Qof kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa xoolo dhaqato.
Waxa uu sheegay dadka la dilay in ay ku dhinteen Rasaastii ay fureen Ciidanka AMISOM, wuxuuna tilmaamay sidoo kale Ciidanka AMISOM in ay nolosha ku wateen dad xoolo dhaqato ah.
Dagaalkan dhexmaray Ciidanka AMISOM iyo Shabaab ayaa waxa Rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayeen laga maqlay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shaeelaha Dhexe.


