DHAGEYSO: R/wasaaraha oo baaq u diray warbaahinta

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay Abaaraha ayaa warbaahinta ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha ee ka socda dalka.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la arko doorka warbaahinta ay ka qaadaneyso Abaaraha dalka jira, si dadka ay ugu tartamaan sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahooda ku dhibaateysan Gobolada dalka.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay warbaahinta in maanta ay heystaan fursadii ay ugu gar gaari lahaayeen ummada Soomaaliyeed iyo in ay sameeyaan Barnaamijyo loogu gurmanayo dadka dhibaateysan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay muhiim in ay tahay in Alle la baryo, in Salaadda Roob doonka aan badino iyo in aan is cafino.

Macluul dhanka Abaaraha ah ayaa waxa ay ka jiraan dalka gaar ahaan Gobolada, weli ma jiro gar gaar rasmi ah oo Beesha Caalamka iyo Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ay soo gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo ay socdaan dadaalo la doonayo dadkan in loogu gar gaaro.