Jowhar-RisaalaFM- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo wareysi siiyay Idaacadda Risaaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay eedeyn ay u jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Waxa uu sheegay Sheekh Cusmaan in waxba kama jiraan ay tahay eedeynta ay u jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, shaqada Maamulkana hada ay mareyso meel wanaagsan, isaga oo tilmaamay xildhibaanada in ay xur u yihiin codkooda.
Sidoo kale Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in hada ay socoto dooda xeer hoosaadka ah oo Todobaadka soo socda wax ka badal lagu sameyn doono.
Kulan shalay Magaalada Jowhar ay ku yeesheen Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay eedeyn u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, waxayna ku eedeeyeen in uu caburin ku haayo xildhibaanada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble waxa ay ugu baaqeen in si dhaqsi leh uu ku hor yimaado Baarlamanka Hirshabeelle.



