Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka bilaabatay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland
Kursgii ugu horeeyay ee Beelaha gobolada Waqooyi waxaa ku guuleystay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo helay codad gaaray 47 cod, halka Axmed Ismaaciil Xuseen oo la tartamayay uu helay 4 cod.
Doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa in ay sii socota maalmaha Soo socda tan iyo inta laga dhameystirayo xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.
Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Carte uu ku guuleystay kursiga beeshiisa.


