Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xal laga gaaray colaadii Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in heshiiskii ay shalay magaalada Muqdisho ay ku wada gaareen labada Madaxweyne uu waxbadan kusoo kordhin doono horumarka Magaalada Gaalkacyo.
Waxaa uu xusay in xal la taaban karo laga gaaray dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo.
Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu ugu baaqay Ra’iisulwasaare cumar in ay dhaqan geliyaan heshiisyadii ay gaareen .
Shalay ayay aheyd Markii Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Magaalada Muqdisho ay ku gaareen hesiis ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda sar sare ee Qaranka.


