DHAGEYSO: R.W Khayre oo booqday Balli-doogle “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho ku tagay Degaanka Balli-doogle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa la socday xubno ka tirsan Wasiirada Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Saraakiisha Ciidamada, isaga oo halkaasi u tagay sidii uu u dhiiragelin laha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

R/wasaaraha oo khudbad u jeediyay Ciidamada ku sugan Degaanka Balli-doogle ayaa sheegay in Ciidamada uu salaan uga sido Madaxweynaha Soomaaliya, dhowaana Madaxweynaha uu soo booqan doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada u taagan difaaca dalka iyo la dagaalanka Shabaab, wuxuuna kula dar daarmay inay dalkooda iyo dadkooda u dhintaan.

Sidoo kale Mudane Khayre ayaa Taliyeyaasha Ciidamada ka dalbaday in ay soo gudbiyaan Askari Ciidamada ka mid ah oo aan qaadan wax mushaar ah, laga soo bilaabo bishii Janaayo ilaa April.

 

khayre 2 khayre 5 khayre 6