DHAGEYSO: Qof Haraad ugu dhintay Abaarta darteed

Higle-RisaalaFM- Abaarta baahsan ee ka jirta Bariga Gobolada Maamulka Soomaaliland ayaa mareysa halkii ugu xumeyd, waxaana beryahan isa soo tarayay Macluusha halkaasi ka jirta.

Degaanka Higle waxa uu ka mid yahay dhulka ay ku soo xoomeen, waxaana shalay gelinkii dambe halkaasi lagu aasay Qaasim Yuusuf Xaaji Axmed oo ka mid ahaa dadka Abaarta ay saameysay, Haraad dartiis ayuuna geeryooday.

Odayaasha dhaqanka iyo Guddiga Abaaraha halkaasi ku nool ayaa Aaska kadib waxa ay la hadleen warbaahinta, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay Gurmad deg deg ah.

Waxa ay sheegeen Todobaadyadii ugu dambeeyay in ay kor u kacday dadka u dhimanaya Abaaraha ka jira Degaanada Soomaaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland ayay ugu baaqeen in Gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka Abaarta ay sida daran u saameysay.