Sweden-RisaalaFM- Akhristiyaasha ku xiran Website-ka Idaacadda Risaala waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Wareysi gaar ah oo aan la yeelanay Aqoonyahan Cukaash Sugow oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed, kuna nool dalka Sweden.
Aqoonyahan Cukaash Sugow ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo la xiriira xaalada hada dalka uu ku jiro, isaga oo si gaar ah falanqeyn ugu sameeyay Taliyeyaasha dhowaan la soo magacaabay.
Cukaash Sugow ayaaa sheegay magacaabista Taliyeyaasha cusub in lagu deg degay, loona baahnaa in laga sameeyo wadatashi aad u dheer.
Wariyaha warbaahinta Risaala ee dalka Sweden Maxamed Salaad Daahir (Caga-yare) ayuu u waramay.



