DHAGEYSO: Puntland oo xabsiga dhigtay 14 Dhalinyaro ah

Boosaaso-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay 14 Dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dadka ka iibinayeen Qamriga iyo sidoo kale waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidanka amaanka Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay 14-kan Dhalinayo, kuwaas oo xilligii la qabanayay gacanta kula jiray fal dambiyeedka lagu soo xiray.

C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ah Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Dhalinyaradan la soo qabtay ay ciidanka amaanka in muddo ah ku daba jireen, maadaama Qamriga iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya ay dhibaato u leeyihiin Bulshada.

Wuxuu sheegay in Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan ee Deegaanada Puntland laga doonayo in ay ka wacyi geliyaan Dhalinyarada waxyaabaha maanka dooriya, isagoo sidoo kale Culimada ugu baaqay in aysan u shaqeyn Hal dhinac taas oo uu kala jeedo in kaliya ay ka hadlaan dhaliilaha uu leeyahay Maamulka Puntland.