DHAGEYSO: Puntland oo u digtay Waalidiinta Kunool Gaalkacyo

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka Booliska maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladaasi lagu soo qabtay tiro dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay falal amni daro ay ka wadeen Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu xusay in ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro ay ka baadigoobaayeen Magaalada , kuwaa soo dhowr maalmood ay ku dabajireen ciidanka Booliska.

Dhalinyaradaasi ayaa Xilliyada Habeenkii ah dhac u geysta Bulshada ku nool Gaalkacyo sida uu sheegay Taliye Cabdiwaaxid.

Waalidiinta ayuu uga digay in ay caruurtooda ay kusoo fasaxaan magaalada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada kunool Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka ,islamarkaana ay kusoo wargeliyaan dadka falalka amni daro ka wadda Gaalkacyo.