Wararka naga soo gaaraya degaanka Salax oo hoos yimaada degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu isku dilay Nin 60- Sano jir ah oo xoolihii ay kaga dhamaadeen Abaarta xoogan ee ku dhufatay gobolka Mudug.
Dadka kunool degmada Jariiban ayaa sheegaya in ninkaasi uu ku xoolo waayay Abaarta.
Shalay Gelinkii dambe ayuu ka ambabaxay degaanka Bali Busle , waxaana la sheegaya in uu is dilay Marka uu marayo degaanka kale Salax oo hoos taga degmada Jariiban.
Wariye Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ayaan wax ka waydiinay dhacdaan.


