DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay dagaalkii GARACAD

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa ku dhawaaqay iney soo afjareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacayay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ciidamada weeraray Garacad iyo deeganada ku dhow ay ahaayeen kuwo badan oo kasoo jeeda gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay la wareegeen dhamaan deegaanadii Alshabaab ku sugnaayeen, isaga oo sheegay iney adkeyn doonaan amaanka Garacad.

Puntland ayaa shalay ciidamo badan dhigtay deegaanka Garacad kuwaasi oo la doonayo iney xaqiijiyaan amaanka deegaankaasi iyo deegaanada kale ee Alshabaab laga saaray.

Dagaaladii ka dhacay Mudug iyo Nugaal ayaa Puntland waxay sheegtay iney ku dishay 71 kamid ah Alshabaab ayna qabteen kuwo kale oo badan.