DHAGEYSO: Puntland oo faahfaahisay Canshuur lagu kordhiyay dekedda Boosaaso

 Wasiirka wasaarada Dekedaha iyo Gadiidka badda maamulka Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay Canshuur la sheegay in lagu kordhiyay Ganacsatadda dekedda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin Canshuur badan oo lagu soo rogay ganacsatadda laakiin ay dib u habeyn ku sameeyeen hanaanka Canshuurta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in cid walba laga qaadi doono waxii ay kasoo degsato dekedda tankeeda iyo Cabirkeeda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Boosaaso, waxaa ka jiray isku soo baxyo dadka qaarkood ay ku sheegayeen in ganacsatadda dekedda la saaray canshuur aysan awoodin.