Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay isbadal ku sameynayaan Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay in iyaga oo kaashanaya Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya in ay doonayaan in ay isbadal weyn ku sameeyaan Ciidamada dowladda xaruntoodii magaalada buula burde loo guuriyo.
Waxa uu xusay in Maamulka hirshabeelle ay ka go’an tahay sidii loo tayayn lahaa ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale ka hadlay doorka ciidamada Jabuuti ee gobolka hiiraan ku sugan.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ay yihiin Ciidamo wanaagsan oo wada shaqeyn iyo kalsooni kala dhaxeyso shacabka gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay laleeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan.



