DHAGEYSO: Puntland oo dib u bilaabeysa Doorashada Garowe

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay dib u bilaabeen shaqadooda, waxaana aysan faah faahin sababta ay hakadka u geliyeen Doorashada.

Waxa ay sheegeen muhiim in ay tahay Musharaxiinta iyo Ergooyinka ka qeyb galaya Doorashada 16-ka kursi ee harsan in si dhaqsi leh ay isu soo diiwaan geliyaan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen sida ugu dhaqsiyaha badan in ay ku bilaabi doonaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland Nabadoon Khaliif Aw-cali ayaa warbaahinta uga warbixiyay dib u bilaabshada Doorashada Puntland.

Doorashooyinka Maamulka Puntland ayaa hakad ku jiray maalmihii u dambeeyay, kadib markii lagu hakiyay amar ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland.