Maamulada koofur galbeed iyo Puntland ayaa ka wada hadlaaya dhibaatoooyinka loo geysto dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.
Madax ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa hada ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland,waxayna kulan gaar ah la qaateen dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed ee ku sugan deegaanada maamulka Puntland.
Qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa u sheegay madaxdii ka socotay KoofurGalbeed in aysan hada jirin dhibaato weyn oo lagu haya laakiin mararka qaar ay dhaceen is faham daro soo gala dhex gashada iyaga iyo dadka ka soo jeeda puntland.
Madaxda ka socota maamulka Koofur Galbeed ee ku sugan puntland ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madax ka tirsan maamulka Puntland.


