DHAGEYSO: Puntland “Dagaalka Al-shabaab la gula jiro waa in loo midoobaa”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jessto dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Puntland ay kali ku ahayn dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo gobolada dalka qaar ay dagaalo ka socdaan.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay Al-shabaab in haatan ay suurtgal u tahay meel walbo oo Saamaaliya ka tirsan ay weeraraan waa sida uu hadalka udhigay.

Hadalka madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaano ka tirsan maamulka Puntland.