Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay tan iyo markii ay xanibeen Gaadiidkii ka imaan jiray Koonfurta Soomaaliya in ay heleen amni buuxa.
C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay sababta ay u xanibeen Gaadiidkii ka imaan jiray Koonfurta Soomaaliya in ay tahay sidii shacabka reer Puntland ay u heli lahaayeen wada noolaansho buuxda.
Wuxuu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland in hada Deegaanada Puntland laga dareemay amni buuxa, oo la isku haleyn karo, tan iyo markii ay xanibeen Gaadiidkii ka imaan jiray Koonfurta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay go’aankan ay sameeyeen in ay ku dayan doonaan qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira.


