Muqdisho-RisaalaFM- Senator Prof. Maxamuud Cusmaan Dufle ayaa ka hadlay dhibaatooyinka uu leeyahay Tahriibka iyo sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhimaneysa Badda.
Dr. Dufle ayaa wuxuu sheegay bilihii u dambeeyay in ay soo badanayeen Dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda qatarta ku gelineysa Badda, kuwaas oo doonaya in ay galaan Dalalka Yurub.
Wuxuu sheegay Dhalinyarada Soomaaliyeed waxbarashooda marka ay dhameystaan kadib in ay doorbidaan in y Tahriib ku galaan Badda, sidaasina ay ugu dhintaan.
Prof. Maxamuud Cusmaan Dufle ayaa sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay in ay Tahriibaan, isagoo ku dhiira geliyay in ay dalkooda joogaan oo ay ka shaqeystaan.


