DHAGEYSO: Ganacsatada G/Banaadir oo doortay Gudoomiye cusub

Muqdisho-RisaalaFM- Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku doorteen Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

Munaasabadan lagu dooranayay Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday suuqyada ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Xilka Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga waxaa u tartamayay Labo Musharax, waxaana ugu dambeyntii cod gacantaag ah lagu doortay C/naasir Cali Maxamed.

Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir C/naasir Cali Maxamed ayaa sheegay in is bedel lagu sameyn doono Ganacsiga Gobolka Banaadir, sidoo kalena la soo kordhin doono howlo Mashaariic ah.