DHAGEYSO: Odayaasha Hiiraan oo wali diidan dalabka madaxweyne Xasan

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkeysanaya ineysan tageynin magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay taalo gogosha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ku laalaabanayay masuuliyiinta ugu sareyso dalka si ay odayaasha Reer Hiiraan ugu qanciyaan ka qeyb galka dhismaha maamul goboleedka  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maalintii shalay waxaa magaalada Beledweyne kaga dhawaaqay in odayaasha dhaqanka iyo dowlada isfahmeen wasiirka arimaha gudaha, laakiin waxaa arintaasi beeniyay seddex kamid ah oday dhaqameedyada Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in seddexdooda ay matalaan beelo gobolka Daga laakiin dowlada ay hishiis la gaartay oday dhaqameedyo kale.