DHAGEYSO: NISA oo ka hadashay amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka

Muqdisho-RisaalaFM- General C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ayaa sheegay Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya in ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay doorka Ciidanka Nabad sugidda in uu yahay sugidda amniga iyo sidoo kale ka hortaga weerarada laga cabsi qabo in ay ka yimaadaan Shabaab.

Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jirto wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta Ciidanka (NISA).

Hadalkan ayuu General C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ka sheegay xilli uu booqasho ku tagay Magaalada Cadaado, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay saraakiisha NISA ee Deegaanada Galmudug.