DHAGEYSO: Nin dilay Haweenay Uurleh oo la qabtay

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhawaan Magaalada Garowe ku dilay haweenay Uurleh.

Ka dib howlgal maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada ay sameeyeen ayaa waxaa suurtagashay in lasoo qabto Ninkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa Wariyeyaasha u sheegay in ninkaasi uu dil u geystay Haweenay uur laheyd ka dibna uu Magaalada iska dhex joogay.

Faraweyne waxaa uu sheegay in ciidamada qofkaste oo fal lidi ku ah Ammaanka ka geysta degaanada maamulka Puntland in ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

Ninkaasi ayuu sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono