Beledweyne-RisaalaFM-Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay Nabdoon lagu magacaabi jiray Bocor Axmed, kaas oo dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan.
Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay suuqa xoolaha ee Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka
Bocor Axmed ayaa la sheegay dilkiisa in uu salka ku hayo aanooyin qabiil, maadaama maalmihii u dambeeyay halkaasi ay ka taagnaayeen xiisado ku aadan aanooyin qabiil.
Kooxdii dilka geysatay ayaa meesha si nabadgelyo ah uga baxsatay, waxaana dilka ka dib goobta soo gaaray Ciidanka amaanka.
Nabadoon Cabdi C/laahi Isaaq oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay dilka Nabadoonka.
Labo Maleeshiyo beeleed ayaa dhowaan ku dagaalamay Magaalada Baledweyne, kuwaasi oo ilaa hada wada dilal ku saleysan aanooyin qabiil.


