Dhageyso:-Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri doorashada Soomaaliya?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya,xilli siyaasiyiin badan ay shaki gelinayeen in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda lagu qabto.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in markasta tallaabo horay loo qaadayay,hayeeshee doonayaan inay qabtaan doorasho ka duwan doorashooyinkii horay uga dhacay dalka muddo 50 Sano ah kadib.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay fursad u siinayaan inay doortaan Xildhibaannada matalaya iyo cidkasta oo ay doonayaan si loo gaaro midnimo iyo wadajir.