Munaasabadaan loogu dabaal dagaayay Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya oo maanta oo kale loo asteeyay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka ee Dowladda Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xubno ka socday Ururada Bulshada rayid iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/qani Sheekh Cumar ayaa sheegay in Wasaarada ay wado qorshayaal lagu hormarinayo Xuquuqda Aadanaha.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay wado Barnaamijyo wacyi gelin ah oo ay ku tagayaan Magaalooyinka dalka.
Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in sanadkaan ay Wasaarada Haweenka ku talaabsatay hormar dhanka Xuquuqda Aadanaha ah.
Xuska Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ayaa waxaa loo asteeyay Maanta oo kale 3 sano ka hor.


