Iyadoo Maanta uu ka furmay magaalada Nairobi Shir madaxeed 6-aad ee dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Dowladda Japan ayaa dowladda Soomaaliya faahfaahin ka bixisay dhinacyada dowladda Japan ay ka caawinayso dowladda Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dowladda Japan ay dowladda Soomaaliya ay ka taageerayso dhanka waxbarashada.
Wasiir Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladda Japan uga mahadcelisay taageerada ay siiso ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay dowladda Japan ay dowladda Soomaaliya u ballan qaaday in ay ka caawin doonto waxbashada , waxaana uu wasiirku sheegay in dowladda Japan ay dowladda Soomaaliya ay ka taageerayso Dugsiyada Farsamada.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Japan ay kulmi doona.
Ra’iisal-wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa ballan qaaday in uu qaaradda Afrika gelin doono 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah marka la gaaro 2018-ka.
Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leeyahay Afrika.


